- Loo diray:
- Guddiga Dugsiyada Dadweynaha Portland iyo Maamulaha Guud Armstrong
- Ujeeddo:
- Caddayn ka hor xidhitaan
Waxaan nahay waalidiin, macallimiin, arday, iyo deris ka kala yimid dugsiyada Portland oo dhan. Inkastoo dugsiyadayadu kala duwan yihiin, arrintan waan ku midaysan nahay: waa in aan helnaa caddaan ka hor xiritaanka.
PPS waxay wajahaysaa tirada ardayda oo hoos u dhacaysa iyo miisaaniyad cidhiidhi ah. Waxaan filaynaa go'aanno adag. Waxaan codsanaynaa in qoys kastaa arki karo sababaha ka dambeeya.
Maanta, qoysas badan ma arki karaan sababahaas. Labada soo jeedinba waxay xidhi lahaayeen 11 ilaa 14 dugsi, waxayna wareejin lahaayeen ku dhawaad 1 kasta oo 4 arday ah oo K-8 ah (fasalka barbaarinta ilaa fasalka 8aad), laga bilaabo dayrta 2027. Qoysaska waxaa laga codsanayaa inay ra'yigooda dhiibtaan iyagoon arag kharashka, lacagta la badbaadinayo, ama doorashooyinka kale. Jahwareerku qof walba wuu waxyeeleeyaa, oo ay ku jirto degmada dugsiyadu.
Guddoomiyaha Gobolka Kotek ayaa idiin qortay 13 Oktoobar in qoysasku mudan yihiin "macluumaad cad oo hufan." Waxay intaas ku dartay in waqti la qaato si arrintan si sax ah loo sameeyo aysan dib-u-dhigis ahayn.
Markaan saxiixno, waxaan Guddiga ka codsanaynaa inuu soo saaro macluumaadka hoose ugu yaraan 30 maalmood ka hor inta uusan codayn, ama inuu dib u dhigo codbixinta ilaa ay diyaar noqoto. Saxiixiddu macnaheedu maaha inaad taageersan tahay ama ka soo horjeeddo xiritaan kasta.
Ka hor inta uusan Guddigu codayn, waxaan ka codsanaynaa PPS inay:
- Muujiya sida aad u gaarteen go'aannada. Dugsi kasta, daabaca kharashka, lacagta la badbaadinayo, sida saadaasha tirada ardayda ay ula barbar socoto tirada dhabta ah, iyo qorshaha dhismaha xiritaanka kadib. Daabaca xogta ka dambaysa astaanta (profile-ka) dugsi kasta, oo si cad dadweynaha hortiisa ugu saxa khaladaadka. Qoraal ku sharxa sida dugsiyada loo doortay, iyo in shuruudo isku mid ah lagu dabaqay dugsiyada la xirayo iyo kuwa ardayda qaabilaya. Muujiya doorashooyinka kale ee aad tixgeliseen, oo ay ku jiraan tallaabooyin hore oo ka yar.
- Tusa qoys kasta waxa ay u la tahay. Sii qoys kasta hab cad oo uu ku arko waxa isbeddeli lahaa ilmahooda: halka uu aadi lahaa, inta uu safarku qaadan lahaa, xaaladaha iyo xadka cabbirka fasalka, iyo shaqaalaha, barnaamijyada, iyo meelaha uu dugsigu yeelan lahaa. Magacaaba: kalkaaliso caafimaad, maktabadle, farshaxan, muusig, iyo jimicsi. Ku dara adeegyada waxbarashada gaarka ah, shaqaalahooda iyo meelahooda, iyo adeegyada luqadda. Muujiya faa'iidooyinka iyo tanaasulaadka. Qoraal ku ballan qaada waxaad liis gareysaan.
- Siiya waqti ku filan. Soo saara wax kasta oo kor ku xusan ugu yaraan 30 maalmood ka hor codbixinta. Maadaama codbixinta hadda loo qorsheeyay 15 Diseembar, taasi waa 15 Noofembar. Haddii aysan diyaar ahayn, si cad dadweynaha ugu sheega oo dhiga taariikh cusub.
- Dhagaysiga ha noqdo mid dhab ah. Sii wada qabashada kulamada ka-qaybgalka, laakiin daabaca su'aalaha aad maqashaan iyo jawaabaha aad bixisaan inta kulamadu socdaan, ee ha sugina ilaa aad soo jeedisaan talooyinka kama dambaysta ah. Su'aal kasta ku diiwaangeliya diiwaan dadweyne, oo leh qof mas'uul ka ah iyo taariikh kama dambays ah. Kulan kasta ku bixiya turjubaanno, daryeel carruur, iyo qoraallo la turjumay oo la heli karo.
Maalgelinta dugsiyadu waa arrin gobolka. Waxaan ka codsanaynaa Guddoomiyaha iyo sharci-dejiyeyaasha inay la shaqeeyaan PPS si loo helo maalgelin joogto ah oo loogu talagalay dugsiyada Oregon.
Caddaan ka hor xiritaan.
Si daacad ah,
xubnaha bulshada dugsiyada PPS iyo dadka deggan Portland